Daawo Sawirrada: Khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay dagaalkii Ruun Nirgood.

Sunday March 26, 2023 - 21:45:05
Liibaan Jeexoow
Mu'asasada Alkataaib ayaa hadda baahisay sawirrada weerarkii shalay lagu gumaaday ciidanka DF, kaas oo waabarigii hore ee shalay ka dhacay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo isugu jiray saraakiil iyo ciidan.
haSawirrada ayaa muujinaya meydadka askarta Turkigu uu ku shaqeyso ee Gor-gor oo bilqan gudaha saldhiga la weeraraay iyo ciidamada Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegay saldhiggii ciidanka, sidoo kale sawirrada waxaa lagu arkayaa gaadiidkii ciidanka DF u yaallay xerada oo halkaas ku bas-beelay kadib markii ay Mujaahidiintu dab qabadsiiyeen

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dab qabadsiiyay guud ahaan saldhigga ka hor inta aysan halkaasi isga bixin sida lagu arkayay sawirradda la baahiyay.

Related Items

Update cookies preferences