Dadweynaha Turkiga ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadii ugu adkeyd ee dalkaasi ka dhacda tan iyo markii la aas-aasay Jamhuuriyadda Turkiga, sida ay sheegayaan dadka indha-indheeya siyaasadda dalkaasi.
Doorashadan oo ay dadku ku dooranayaan madaxweyne iyo xubnaha baarlamaanka ayaa ah mid aad la isugu dhow yahay, iyadoo Recep Tayyip Erdogan uu waajahayo tartankii ugu adkaa ee uu galo tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay 20 sano ka hor.
Waxaa hada oo ay saacada bariga Africa ay tilmaameyso 5:51PM soo gaba gaboobay doorashadii dalka Turkiga ka qabsoomeysa.
Wali lama shaacin natiijada rasmiga ah ee doorashada.
Lasoco wixii soo kordha.
Waxaa hada oo ay saacada bariga Africa ay tilmaameyso 5:51PM soo gaba gaboobay doorashadii dalka Turkiga ka qabsoomeysa.
Wali lama shaacin natiijada rasmiga ah ee doorashada.
Lasoco wixii soo kordha.