Halkee Wax Marayaan Doorashadii Turkiga?

Monday May 15, 2023 - 07:31:30
MeMO Staff
Waxaa haatan meel geba-gebo ah maraysa tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga, hase ahaatee natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ayaa muujinaysa inaanay afarta musharax ee doorashadan ka qayb galay aanu midkoodna haysan codad ku filan oo uu ku noqon karo madaxweyne.
In ka badan 64 milyan oo qof oo ka mida 85 milyan ee uu ka kooban yahay shacabka dalkaasi ayaa isu diiwaangeliyey inay codeeyaan doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Turkiga Axaddii. 89% oo ka mida dadka is diiwaangeliyey ayaa codeeyey.

Iyada oo haatan la tiriyey 97.23% oo ka mida codadka la dhiibtay, ayaa natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayni waxay muujinaysaa in Recep Tayyip Erdogan uu haysto 49.36%, halka musharaxa ay sida weyn ugu loollamayaan doorashadan ee Kemal Kilicdaroglu uu haysto 44.96% oo ka mida codadka la tiriyey.

Tani ayaa muujinaysa inay suurto gal tahay in dalka Turkigu uu markale aado wareeg labaad oo doorasho madaxtinimo ah, maadaama aanay labada musharax ee Erdogan iyo Kilicdaroglu aanu midkoodna helin aqlabiyadda codbixiyayaasha.

Lasoco wixii soo kordha .

Related Items

Update cookies preferences