Shil Sababay Dhimashada 13 Ruux.

Monday May 15, 2023 - 07:47:33
MeMO Staff
Saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay waddo wayn oo ku taal gobolka Tamaulipas ee dalka Mexico.
Waaxda amniga dadweynaha ee gobolkaas ayaa sheegtay shilka uu ka dhashay kadib markii ay isku dheceen Laba gaari oo marayey highway-gaas.

Waxayna waaxda hadalkeeda sii raacisay in shilka kadib mid kamid ah gawaarida uu dhaliyey dab aad u xoogan taasi oo sababtay in halkaasi ay ku dhintaan dadkii dhaawaca ahaa, waa sida uu hadalka u dhigay.

wali Lama shaacin waxa rasmiga ah ee dhaliyey shilkan geestay khasaaraha baaxada leh, walow laamaha amaanka iyo kuwa gurmadka dag daga ah ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadan.

Related Items

Update cookies preferences