Erdogaan oo sheegay in uu doorashada ku guuleysan doono.

Monday May 15, 2023 - 08:59:32
Liibaan Jeexoow
Wali waxa socota tirinta codadka doorashadii saaka looga dareeray dalka Turkiga. Waxa la xirey dhammaan goobihii codbixintu ka socotey waxaaney dadku hadda u dheg taagayaan ku dhawaaqista natiijada cidda ku guuleysatey hoggaaminta dalka Turkiga.
Musharrixiinta ku loollamaya talada dalkaas ee kala ah Erdugan iyo Kamaal Ooglo ayaa lagu soo warramayaa in ay indho indheynayaan sida ay u socoto cod tirintu. Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in 52% codadka la tiriyey uu haysto madaxweynaha haatan talada dalkaas haya ee Rejep Erdugan.

Doorashadan ayaa ah tii ugu saamaynta badneyd abid taariikhda Turkiga oo sannadkan boqol jirsadey. Dhanka kale codbixinta ayaa bilaabantey siddeedii subaxnimo ee saaka aroornimadii.

Tirada sanaaduuqda codbixinta ayaa ahayd 191kun oo sanduuq isla markaana waxa laga codeynayey 81 wilaayo ama gobol. Doorashadan ayaa ah mid isku sidkan oo kala ah doorashada golaha Baarlamaanka iyo ta madaxtooyada. Golaha Baarlamaanka ayaa ah 600 oo xildhibaan. Tirada dadweynaha codeynaya ayaa kor u dhaafey 600 oo milyan, kuwaas oo 4milyan oo kamid ahi ay u tahay markii ugu horreysay ee ay codeeyaan.

Related Items

Update cookies preferences