Musharrixii kaalinta saddexaad ee Turkiga oo taageeray Erdogan.

Tuesday May 23, 2023 - 09:27:47
Liibaan Jeexoow
Musharrixii kaalinta saddexaad ka galey tartankii doorashada madaxtinnimo ee dalka Turkiga Sinan Ogan ayaa taageeradiisii ku biiriyey madaxweynaha hadda talada haya ee Turkiga Erdogan.
Ogan ayaa taageeradiisa Erdogan ku muujiyey shir ka dhacey caasimadda dalkaas ee Ankara shaley Isniintii.

"Waxaan aamminsannahay in aan qaadannay go’aan sax ah oo u daneynaya qarankayaga Turkiga” ayuu yiri Sinan Ogan. Wuxuuna intaa ku darey in soo celinta markale ee Erdogan ay ku dhisan tahay mabaa’di iyo halgan aan kala go’ lahayn oo lagula jiro argagixisada.

Shaacintan uu ku dhawaaqey Ogan ayaa imanaysa iyadoo wareeggii labaad ee doorashada ay ka hareen wax ka yar toddobaad.

28 May ee bishan ayaa ay dhacaysaa doorashada wareegga labaad waxaana xusid mudan in murashaxa raba in uu guuleysto laga rabo 51% ama tiro haldheeri ah.

Tartankii hore Erdogan ee dhacey 14 May Erdogan wuxuu helay 49.52% codadkii la tiriyey. Halka musharraxa tartanka adag kula jira Kaamil Kilijdar Ooglo uu helay 44.88% waxaana kaalinta saddexaad galey Sinan Ogan oo helay 5.17.

Ku biiridda Ogan ee garabka Erdogan ayaa noqonaysa in uu ku guulaysan kark xilka hoggaaminta dalka Turkiga markii shanaad.

Related Items

Update cookies preferences