Banaanbaxyo ka Dhacay Gobolka Tigree oo Lagu Dalbaday in Ciidamada Ajaanibta ah Laga Saaro Halkaas.

Tuesday May 23, 2023 - 18:03:39
MeMO Staff
Kumanaan qof oo Tigree ah ayaa maanta oo talaado ah isugu soo baxay gobolka dhaca waqooyiga Itoobiya ee Tigreega iyagoo dalbanaya in dib loo soo celiyo dadkii ku barakacay colaadii gobolkaasi kasocotay mudada labada sanada ah, iyagoo dhanka kale dalbanayay in ciidamada Ajnabiga ah laga saaro halkaas.
Goobaha ay isugu soo baxeen bananbaxyaasha waxaa kamid ah magaalooyinka Mekelle, Adigrat iyo Shire. Waxa ay siteen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ka mid yihiin "waa in dadka soo duulay ay ka baxaan dhulkeena ”, sida  uu muujinayo  muuqaal laga sii daayay TV-ga Tigreeyga.

Maamulka  ka dhisan gobolka Tigreega ayaa cabasho ka muujiyay siii joogitaanka ciidamada ajanbiga ah.

toddobaadkii hore  ayuu  Getachew Redaoo hoggaaminaya xukuumadda ku meel gaarka  ah ee gobolka uu  sheegay in ciidammada Eritrea ay dhawaan ka hor istaageen koox kormeeraysay fulinta heshiiska nabadeed  ayna udiideen inay  ay shaqadooda qabsadaan.

Gobolka Tigreega ayaa waxaa wali kusugan ciidamo kasocda xukumada Asmara iyo ismaamulka Amxaarada, waxaana markii uu dhacay heshiiskii xukumada Abey Axmed iyo  Jabhada TPLF la sheegay in ay halkaas ka gaysteen falaal isugu jira dil,dhac iyo kufsi.

Related Items

Update cookies preferences