Xoogag aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday mid kamida sladhigyada ugu waaweyn ee ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Jubbada hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingoow ayaa sheegaya in xoogag jihaadi ah ay dhowr jiho ka werareen saldhigga ciidanka KDF.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ragga weerarka qaaday ay garneyllo ku beegsadeen saldhigga kadibna waxaa xigay iska hor'imaad fool ka fool ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada gummeysiga Kenya ay madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah ee ku dhow deegaanka Hoosingoow oo qiyaastii 40Km ujira xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.