Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan DF-ka Soomaaliya.
Qaraxa oo maanta barqadii ka dhacay duleedka tuulada Ceel Cali Axmed ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa ciidanka dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Max'med Caraboow.
Wararka ayaa intaas ku daraya in 4 askari ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxan oo mas'uuliyadeeda ay sheegteen xoogaga Al Shabaab.