Wadanka Suudaan waxaa weli kasii socda dagaallada aadka uculus ee udhaxeeya ciidanka melleeteriga iyo maleeshiyaadka fallaagada ah.
Wararka ka imaanaya magaalada Khurduum ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda RSF ay boob iyo bililiqo ka geysteen xarunta daabacaadda lacagta dowladda Suudaan.
Jeneral Yaasir Alcadda oo katirsan saraakiisha dowladda Suudaan ayaa ku eedeeyay kooxda Dacmu Sariic in ay weerareen xarunta Keydka dowladda ayna bililiqeysteen malaayiin lacago maxalli ah iyo keydkii Dahabka.
War goor dambe soo baxay ayaa sheegaya in ciidanka melleteriga Suudaan ay dib ula wareegeen xarunta daabacaadda lacagta iyadoona ilaalo xooggan ladhigay Bankiga dhexe ee Suudaan.
Loollanka hubaysan ee wadanka ka socda ayaa dhowaan lugta lagelaya bishii 3aad oo xiriir ah mana jiro dhinac illaa iyo hadda guul ka gaaray colaadda.