Koox goonni goosato ah ayaa afduubtey 30 haween ah oo kasoo jeeda Kamaroon. Kooxdan oo raadinaysa madaxbannaani ayaa ka soo jeedda gobollada aqalliyadda ah ee lagaga hadlo afka Ingiriisiga. Dalka Kameruun ayaa intiisa badan laga hadlaa afka Faransiiska
Sannadkii 2016-kii ayaa dibad baxyo salmi ahi ka dhaceen gobolladaas lagaga hadlo Afka Ingiriisiga ee aqalliyada ah iyagoo dalbanaya in loo oggolaado xuquuqaha aas aasiga isla markaana laga daayo faquuqa laakiin dowladda dalkaas ayaan si fiican u maamulin wax ka qabadka cabashooyinkaas, taas oo sababtey in ay dhalato jabhad hubeysan oo la yiraa Anglophone. Garabka dagaal ee jabhadda ayaa la baxay magaca Amba Fighters.
Isku dhacyadan ayaa inta la diwaan geliyey sababey dhimashada 6000 oo dhimasho ah iyo barakaca in ka badan hal milyan.
Dhanka kale dumarkan la afduubey ayaa la sheegay in ay diidmo ka muujiyeen cashuuro ay soo rogeen jabhaddu si ay dhaqaale ugu helaan dagaalka ka dhanka dowladda Cameroon. Gobolladan gooni goosatada ah ayaa ku yaalla galbeedka waddanka isla markaana lagu magacaabaa Ambazonia.
Dowladda Cameroon ayaa qorshe cad u dejisay sidii loo tirtiri lahaa kooxdaas halka dhanka kale u dagaallamayaan xorriyad. Ugu dambayn dhinacyadan loollamaya ayaa midba ka kale ku eedeeyaa tacaddiyo dagaal.
Dowladda Cameroon ayaa qorshe cad u dejisay sidii loo tirtiri lahaa kooxdaas halka dhanka kale u dagaallamayaan xorriyad. Ugu dambayn dhinacyadan loollamaya ayaa midba ka kale ku eedeeyaa tacaddiyo dagaal.