Madaxweynaha ismaamulka Tigreega oo eedayn u soo jeediyay ciidanka Eritrea

Thursday May 25, 2023 - 07:49:54
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee ismaamulka Tigreega Getachew Reda ayaa ciidamada dalka Eritrea ku eedeeyay in ay weli ku sugan yihiin dhulkooda kuwaas oo sida uu sheegay caqabad ku ah shaqada indha indheeyayaasha ururka Midowga Afrika ee gobolka jooga.
"Toddobaadkii hore ciidamada Eritrea waxay hor istaageen tiimkii kormeerka u joogey gobolka in ay shaqadooda qabsadaan” ayuu yiri Reda.

Getachew ayaa hadalkan jeediyey maalinnimadii jumcada 19 May shir lagaga wada hadlayey dardargelinta nabadda gobolka oo ka qabsoomay caasimadda deegaanka Tigreyga ee Maqalle/Mekelle.

Reda ayaa dhanka kale farriin u direy ‘Beesha Caalamka’ in ay cadaadis saaraan Dowladda Eritrea si ay ciidankooda ugala baxaan gebi ahaanba gobolka waqooyi ee Tigrey.

Waxa kale oo uu intaa ku darey in dhankooda ay fulinayaan dhammaan qodobadii lagu gaarey Heshiiskii Nabadda Ee Pretoria.

Dhinaca kale ninka u qaabilsan Midowga Afrika kormeerka Xaaladda Tigrey General Stephen Radina ayaa sheegay in TPLF ay wareejisey hubkeedii cuslaa si waafaqsan heshiiskii Pretoria waxaanu intaa raaciyey in tiimkoodu uu bisha June ee soo socota tegi doono galbeedka iyo koonfurta gobolka si ay u soo hubiyaan in ay joogaan ciidammo aan ahayn kuwa Dowladda Ethiopia.

Related Items

Update cookies preferences